Dhulgariir cabirkiisu dhan yahay 6.1 ayaa ku dhuftay galbeedka jasiirada Java ee dalka Indonesia, taasoo keentay in dadku ay ka baxaan dhismayaasha sida ay sheegtay maareynta masiibooyinka ee Indonesia.
Hay’addu waxay sheegtay in dhulgariirku uusan lahayn awood Tsunami ah. Waxaa laga dareemay caasimadda Jakarta, oo qiyaastii 200 km u jirta xuddunta dhulgariirka
“Hal qof ayaa ku dhaawacmay afar gurina waa ay ku burbureen magaalada Garut” ayuu yiri Abdul Muhari, oo ah afhayeenka hay’adda maareynta masiibooyinka.
Qaar ka mid ah dadka deggan magaalooyinka kale ee galbeedka Java ayaa baraha bulshada ku sheegay inay si xooggan u dareemeen dhulgariirka.
Goob-jooge ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters oo ku sugan magaalada Bandung ee xarunta gobolka Galbeedka Java ayaa sheegay in dadkii hoteelka ku sugnaa ay ka baxeen dhismaha balse ay dib ugu soo laabteen gudaha markii uu dhamaaday dhulgariirka.
Bishii hore dhul gariir cabirkiisu dhan yahay 5.6 ayaa ku dhuftay Cianjur ee galbeedka Java, halkaas oo ay ku dhinteen in ka badan 300.
Madaxa BNPB, Suharyanto, ayaa u sheegay kanaalka wararka maxalliga ah ee MetroTV in mas’uuliyiintu ay wali hubinayaan meelaha kale ee u dhow dhulgariirka, waxaana weli soo baxaya khasaaraha dhulgariirkan u dambeeyey.
“Waxaan rajeyneynaa in saameyntu aysan u xumaan sida Cianjur sababtoo ah markan xudunta ayaa aad u qoto dheer,” ayuu u sheegay MetroTV.
Hay’adda maareynta masiibooyinka BMKG ayaa sheegtay in dhulgariir ka yar 2.9 magnitude uu ku dhacay meel u dhow dhulgariirkii ugu horeeyay saacad kadib.