Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Golaha congresska Maraykanka ayaa Khamiista Todobaadkan ku wajahan caasimadda Puntland ee Garoowe.
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha dowladda ayaa sida qorshaysan soo dhowayn doona.
Xildhibaan Ilhaan Cumar oo laga soo doorto Gobolka Minnesota ee waddanka Maraykanka ayaa asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya gaar ahaanna Puntland.
Ilhaan ayaa sannadkii 2018 noqotay qofkii ugu horreeyay ee Somali-American ah oo loo doorto Aqalka Congress-ka Mareykanka