Kulanka ugu xiisaha badan ee ka mid ah champions Leageu ayaa dhexmari doona kooxaha Bayern Munich iyo PSG kulan si weyn loo sugayo daawashadiisa.
PSG ayaa doonaysa in ay guul ku gaadho garoonkeeda ka hor kulanka lugta 2-aad ee wareegan xilli ay doonayaan in ay ka aarsadaan kooxda Bayern Munich.
Dhinaca kale Bayern Munich ayaa doonaysa in ay natiijo fiican kala baxaan kulanka ka hor inta ayna kulanka kale ku ciyaarin garoonkooda.
Kulanka: PSG Vs Bayern
Tartanka: Champions League
Wakhtiga: 11:00
Garoonka: Parc des Princes.
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Paris Saint-Germain ayaa 11 jeer oo hore wajahday Bayern Munich, iyadoo dhamaantooda ay wada ciyaareen tartanka UEFA Champions League, Labada kooxood ayaa is dheer kaliya hal guul iyada oo PSG badisay 6 kulan halka ay Bayern Munich badisay 5 iyada oo labada kooxood kala dhaliyeen min 15 gool.
Paris Saint-Germain ayaa laga badiyay kaliya hal kulan shantii kulan ee ay gurigooda kula ciyaareen Bayern Munich tartanka UEFA Champions League, si kastaba ha ahaatee taasi waxay timid kulankii ugu dambeeyay (0-1 bishii April 2021), ka dib markii ay badiyeen afartii kulan ee ugu horeysay.
Kooxaha ka hor tagay Bayern Munich Champions League 10 kulan iyo wax ka badan, PSG aaya ah koxda cel-celis ahaan guulaha ugu badan gaadhay iyaga oo 6 kulan ka badiyay 11 kulan oo ay wajahday Bayern.
Bayern Munich ayaa badisay dhammaan lixdii kulan ee ay ciyaareen tartanka UEFA Champions League xilli ciyaareedkan, iyagoo dhaliyay 18 gool, kaliya labo gool ayaa laga dhaliyay, markii kaliy ee ay Bayern badisay dhamaan 6-da kulan ee Group-ka champions League ayaa ahayd xilli ciyaareedkii 2019/2020 markaas oo ay badiyeen 11 kulan.