القائمة الرئيسية

الصفحات

Gabar Soomaali ah oo si arxan-darro ah loogu dilay dalka Masar

Alle ha u naxariistee Caasho Abuukar Ibraahim, oo aheyd gabar Soomaaliyeed ayaa laga dhex helay meydkeeda guri ay ka degneyd magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, kadib markii la dilay.

Dilka marxuumad Caasho Abuukar oo aheyd ardayad wax ka barata Masar, ayaa waxaa ka dambeeyay muwaadin kale oo Soomaaliyeed, kaas oo ay gacanta ku dhigeen laamaha ammaanka dalka Masar xilli uu doonayay in uu baxsado.

Booliska Qaahira ayaa hadda wada baarista sababta ka dambeysay dilka Caasho, iyagoo wareysanaya dilaaga. Maamulka Iskuulka ay wax ka baran jirtay marxuumad Caasho ayaa ka tacsiyeeyay geerideeda.

Hoos ka akhriso qoraalka kasoo baxay maamulka iskuulka Al-Firaaj.

INNAALILAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUN.

Bahda Al-Faraj oo isku duuban waxa ay Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan Qoyska iyo Qaraabada ay kabaxday Drs Caasha Abuukar Ibraahim Hasan ( Abuukar Dheere) oo ku geeriyootay wadanka Masar oo ay u joogtay diyaarinta Master caafimaad ah.

Waxaan Alle ugu baryeynaa in uu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, Familka iyo qaraabada ay ka geeriyootayna Samir iyo iimaan Alle ka siyo. Iyada qabriga ilaah ha uga dhigo beer ka mid ah beeraha janada.

Dalka Masar ayaa waxaa kunool Soomaali farabadan oo badi dalkaasi u tegay Waxbarasho, waxaana dhacdadaan dilka ah ay tahay mid ku cusub Soomaalida kunool dalkaasi Masar.