Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay Degmada Murcanyo ee Gobolka Gardafuu. Waxaa Soo dhoweynta Madaxweynaha ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda, Maamulka Gobolka Gardafuu, kan Degmada Murcanyo iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Madaxwaynaha Puntland ayaa waxa uu dhagax dhigay saldhiga Booliska degmada, waxaana uu booqday beeraha degmada waxaana uu ku dhiirigeliyey dardargelinta waxsoo saarka beeraha.