Mareykanka ayaa shaaciyay in aan la aqbali karin duqeymaha aan kala joogsiga laheyn ee lagu garaacayo dadka rayidka ah ee kunool Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool.
War kasoo baxay Xafiiska Arrimaha Afrika ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka lana ilaaliyo dadka rayidka ah.
Sidoo kale dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay waajib tahay in aan la carqaladeyn Gargaar Bini aadantinimo oo la gaarsiiyo dadka uu saameeyay dagaalka, sidoo kalena wixii khilaaf ah wada-hadal lagu dhameeyo.
Warkaan kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa kusoo aadaya xilli Maalintii Afaraad oo xiriir ah uu Magaalada Laas-Caanood ka socdo dagaal u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo dadka degaanka oo diidan in Ciidamada Somaliland Maamulaan Magaalada.