Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga Gobolka Gardafuu ayaa booqday marsada dabiiciga ah ee deegaanka Boolimoog, oo ah marso la adeegsan jiray xili hore taasi oo qorshuhu yahay in dayactir lagu sameeyo si dhowaan ay u noqoto meel laga faaidsato oo ay ka faaidaan dadka reer Puntland.
Madaxweynaha ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee deegaanka Boolimoog iyo xarumaha taariikhiga ah ee halkaasi ku yaalla, meeshan ma aheyn Dekadd dabiici ah oo keliya Balse waxaa ku yaallay Kayd Shidaal iyo Warshad farsameysa Kalluunka. Xaruntan oo ah mid Istiraatiji ah ayaa dhakhso loo dayactiri doonaa.