Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dabley ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen xero lagu diyaarinayay ciidamadda maamulka Junaland, si ay duulaan ugu qaadaan deegaanada Shabaab ay ku harsan yihiin.
Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa tilmaamaya in ilaa laba gaari oo laga soo buixiyay walxaha qarxa oo ay wateen rag isa soo miidaamiyay ay isku qarxiyeen xerada oo la isugu geynayay ciidanka loo diyaariyay qaadista weerarka ka dhanka ah Shabaab.
Waxaa lagu soo waramayaa in khasaare culus uu ka dhashay qaraxyadan, inkastoo aan wali si rasmi ah loo ogaan cadadka dadka dhimshada iyo dhaawaca ku noqday weerarkan.
Xerada Shabaabku ay weerareen ayaa maalmihii la soo dhaafay la isugu geynayay ciidamo laga keenay degmada Dhoobleey, waxaana qorshaha ciidanka ahaa sidii ay duulaan ugu qaadi lahaayeen degmooyinka Bu’aale iyo Jilib oo ay Shabaabku saldhigyo waaweyn ku leeyihiin.