Taliska Qeybta Booliska Puntland ayaa gacanta ku dhigay gaari siday Lacag Euro ah oo madow, taas oo la doonayay in la geliyo xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso.
War kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska gobalka Bari ayaa lagu sheegay in howlgal ay sameeyeen ciidamadu kusoo qabteen gaarigan siday lacagta Euro-da madow ah iyo Raggii watay, kaas oo ka yimid deymada Xaafuun ee gobalka Bari.
Sida ay sheegeen Booliska gobalka Bari gaariga ayaa lahu daba joogay kahor qabashadiisii, ayna hada wadaan baaritaan dheeri ah, ayna horkeeni doonaa sharciga.
“Taliska Qeybta Booliiska Gobolka Bari oo ku guda jira howlgaladii Bisha Ramadaan ayaa Gacanta Kusoo dhigey Gariga wadey lacagta madow xili uu kasoo baxay Magalada Xaafun oo ku wajahnaa Magalada Bosasso Booliska oo Ku raad joogey ayaa Gacanta kusoo dhigey lacagtaas iyo Gadiidkii”.
Sidoo kale, Taliska Booliska ayaa uga mahadceliyay shacabkii gacanta ka geystay qabashada gaariga siday lacagta Euro-da madow ah.
“Taliska qeybta Booliska Gobolka beri waxa uu bogaadin iyo mahadcelin u soo jeedinaya shacabka ka qeyb qaatay in gacanta lagu soo dhigo gaariga iyo cidii wadatay sidoo kale taliska ayaa baaq u diraya shacabka Gobolka Beri in ay ka qeyb qaatan sugida amniga guud ee Gobolka.”