Xoogagga Daraawiishta SSC-Khaatumo ayaa maanta si buuxda ula wareegay Taliskii Ciidamada Somaliland ee Dhuyuc-xuunsho.
Xogo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in SSC gacanta ku dhigeen Taliska Dhuyuc-xuunsho kadib dagaal aad u culus oo ka dhacay jihada galbeed ee Laascaanood.
Taliska Dhuyuc-xuunsho ayaa sida la werinayo marin u ahaa gurmadka iyo saadka Ciidamada Somaliland ee fadhiya Gooja-cadde.
Dhinaca kale ciidamada Somaliland ayaa masaafo fog ka soo duqaynaya gudaha Laascaanood waxaa la sheegaya in khasaare kala duwan ka dhashay.
Dagaalka maanta ayaa ka dhacay jihooyin kamid ah galbeedka iyo bariga Laascaanood inkastoo aan tira-koob saxa laga helin khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.