Isimadda dhaqanka ee gobalada SSC ayaa soo gaaray caasimadda Puntland ee Garoowe, iyagoo wada hadalo la leh hadda wafdi sare oo kasocda dawladda Itoobiya, kaas oo horey u soo maray magaalada Hargeysa, lana kulmay Madaxweynaha Somaliland.
Labada dhinac ee Itoobiya & Isimadda dhaqanka ee SSC ayaa ka wada hadlaya dagaalka Laascaanood, xili ay Itoobiya dadaal ku bixinayso in xabada la joojiyo, lana abuuro jawi nabadeed oo labada dhinacba ay doonayso in ay hirgaliyaan.
Somaliland ayaa wararku cadeynayaan in ay qorsheynayso weerarkii 6aad oo ay markale doonayso, in ay kuqabsato Laascaanod maalmaha nagu soo wajahan.