القائمة الرئيسية

الصفحات

MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO U SAFRAY ITOOBIYA IYO IMAARAADKA CARABTA

 


Madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland ee Soomaaliya Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta u safray dalalka Itoobiya iyo Imaaraatiga Carbeed.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo ka dhoofay garoonka diyaaradaha Boosaaso ayaa ku sii jeeda magaalada Addis Ababa halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono mas’uuliyiin ka tirsan Itoobiya.

Labada dhinac ee Puntland iyo Itoobiya ayaa lagu wadaa in ay ka wada-hadlaan iskaashiga dhanka Amniga xuduudaha iyo la-dagaallanka Argagixisada.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale u sii gudbaya magaalada Dubai ee waddanka isutaga imaaraadka carabta  waxaana la filayaa in uu wada-hadallo ku saabsan dhanka mashaariicda horumarineed la yeesho mas’uuliyiinta dalkaas.