Dhulgariirkii cabirkiisu yahay 5.1 Qiyaasta Richter, ayaa fiidnimadii Sabtida, ka dhacay gacanka cadan meel u dhow xeebaha soomaaliya
Xarunta Mediterranean ka ee Yurub ee dhulgariirka ayaa sheegtay in "dhulgariir cabirkiisu yahay 5.1 Qiyaasta Richteruu ku dhacay Gacanka Cadmeed saacadu marka ay ahayd 8:30 waqti Y bariga Africa iyo yemen, dhul gariikaas oo hoos jiray 10 km" ayadoo aan la helin wax faahfaahin oo inaasi dheer
dhinaca kale xarunta sahanka juquraafiga Mareykanka ayaa sheegtay in dhulgariir cabirkiisu yahay 4.7 qiyaasta Richter uu ka dhacay sabtida meel 140 Km waqooyiga magaalada caluula ee xarunta gobolka gardafuu ee puntland , Soomaaliya.
Waxaa la filayaa in muddada soo socota, xeebaha cadan , ay ka dhacaan dhaqdhaqaaq falcelis ah degganaada Badda Carabta, siday sheegaayaan khubarada asaasadka iyo dhulgariir.