Kooxda Arsenal ayaa iska khasaarisay fursad ay dib ugu soo celin lahaayeen 8-dii dhibcood ee ay ka horeeyeen Man City horyaalka premier League.
Arsenal ayaa laba gool ku hor martay kulan ka dhacay Anfield kana tirsanaa horyaalka premier League laakiin ugu dambayn waxa ay ku dhamaatay ciyaartu 2/2.
Man City ayaa hatan rajo ka heshay difaacashada horyaalka premier League xilli ciyaareedkan iyaga oo haatan u dagaalami kara ku guulaysiga horyaalka.
Hadaba maxay Man City u baahantahay si ay u difaacato horyaalka premier League xilli ciyaareedkan kadib bar-barihii ay gashay Arsenal.
Man City ayaa hal kulan oo baaqi ah haysata waxana ay 6 dhibcood ka dambaysaa kooxda Arsenal tartanka horyaalka premier League.
Hadii ay Man City badisay kulanka baaqiga u ah waxa ay Arsenal ka dambayn doontaa 3 dhibcood oo kaliya ka hor kulankooda ay wada ciyaari doonaan.
Kulanka ay wada ciyaari doonaan hadii ay badiso Man City waxa ay labada kooxood noqon doonaan isku dhibco laakiin Man City ayaa hogaanka ku hayn doonta farqiga goolasha.