Agaasimaha Guud ee Twitter-ka Elon Musk, oo uu sidoo kale iska leeyahay, ayaa ballaariyey wax soo saarka Twitter-ka si uu ula tartamo barta blogging-ka ah ee Substack, tiiyoo ay isticmaalayaashu dalban karaan “inay lacag ka sameeyaan shay kasta”, laga bilaabo qoraallada dhaadheer ilaa muuqaallada saacadaha soconaya.”
Maalqabeenka ayaa sharraxay in “Twitter-ku aanu doonayn inuu isagu qaato lacagta” iyadoo ay isticmaalayaashu heli karaan ama kasban karaan 70% haddii ay ka dalbadaan barnaamij-howleedyada Android iOS iyo ilaa 92% dhanka webka.
Twitter-ka ayaa xitaa gacan ka gaysan doona caawinta isticmaalayaasha gaar ahaan dhanka isdiiwaangelinta, maalqabeenka Tesla ayaa ballanqaaday: “ujeedkeennu waa inaan sare u qaadno baraaraha dadka wax sameeya ama content creators-ka.”
“Mar kasta, waad ka tegi kartaa madasheenna oo waad la qaadan kartaa shaqadaada,” Musk ayaa sii waday, isaga oo raaciyey, “Si fudud noo imow, si sahlanna nooga tag.”