Dhaqdhaqaaqyo ciidan ayaa saacadihii lasoo dhaafay laga dareemayaa jiidaha hore ee magaalada Laascaanood, halkaas oo muddo saddex bilood ah ka soconayeen dagaalo culus oo u dhexeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo ciidanka deegaanka ee SSC-KHAATUMO.
Somaliland ayaa la sheegay in 42 saac ee u dambeeyay ay keentay Taliska Goojacade ee duleedka Laascaanood, saanadii ugu dambeeysay oo ay doonayso in ciidamadeedu ku dagaalamaan si ay dib ugu qabsadaan magaalada oo bilo kahor ay ka saareen dadka deegaanka.
Saanada ay keentay Somaliland Goojacade, ayaa ah hub iyo rasaasta noocyadeeda kala duwan oo ay kasoo iibsatay mid kamid ah dalalka dariska ah.
Dhanka kale, ciidamo cusub, hub iyo saanad horleh ayaa gaaray Laascaanood, kuwaas oo baritaaraya ciidamada deegaanka ee SSC-KHAATUMO. Ciidamo cusub ee tagay Laascaanood ayaa intooda badan kasoo kicitimay gobalka Sanaag.
Isku dayo la doonayay in lagu hakiyo dagaalka, ayna wadeen wakiillada Beesha Caalamka ayaa guuldareystay kadib markii uu ku gacan-seyray soo jeedinadoodii Madaxweyne Biixi oo sheegay in uusan kala bixi doonin Goojacade ciidamada maamulkiisa ilaa uh dib u qabsado Laascaanood.
Beesha Caalamka ayaa ugu hanjabay Biixi in uu kala kulmi doono cawaaqib uusan mahdin doonin haddii uusan kala huleylin ciidamadiisa Sool, si loo dhaqan geliyo xabad-joojin rasmi ah iyo xal nabadeed oo raaga.
Tan iyo markii uu bilowday dagaalka Laascaanood, Somaliland ayaa wajahaysa xaalad adag oo dhinacyada dhaqaalaha iyo siyaasadda ah. Wasiir katirsan maamulka ayaana u sheegay warbaahinta in la jaray dhammaan mushaaraadkii, ayna is xireen ilihii dhaqaale ee xukuumadda Hargeysa.