Mas’uuliyiinta dalka Costa Rica ayaa xiray kadibna masaafuriyay wiil dhalinyara ah oo lagu magacaabo Lutrnaan Warsame Faarax oo ay ku sheegeen inuu yahay curadka hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxdas Al-Shabaab.
Wiilkan ayaa hoteelo ku yaala dalkaasi Costa Rica ku daganaa isagoo isticmaalayay aqoonsiyo been abuur ah iyo baasaboor Aswedish ah oo uu qof kale leeyahay.
Faarax waxaa Guatemala u musaafurisay wakiilo ka socday Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida (DIS) balse dib ayaa loogu celiyay Costa Rica.
FBI-da ayaa ka digtay bishii Febraayo 2023 suurtagalnimada joogitaanka xubin ka tirsan Al-Shabaab ee Costa Rica, Faaraxna waxa uu ku jiray liiska FBI-da ee Xarunta Baarista Argagixisada.
Maamulka DIS ayaa shaaca ka qaaday in Faarax uu soo galay Costa Rica Janaayo 4, 2023, isagoo isticmaalaya baasaboor Swedish ah oo lagu magacaabo Luqman Abdl Aziz. Waxa uu dalkaasi joogay muddo bil ah, isagoo u socday dalka Nicaragua.
Al-Shabaab ayaa ujeedkoodu yahay in ay afgambiyaan dowladda Soomaaliya, isla markaana ay maamul Islaami ah ka dhisaan gobolka.
Kooxdan ayaa marar badan weeraro argagixiso ka fulisay Soomaaliya iyo Kenya, sida afduub, dilal iyo qaraxyo. Aabaha dhalay Faarax ayaa lala xiriirinayaa inuu fududeeyay weerar argagixiso oo Al-Shabaab ay ka geysteen Sweden sanadkii 2011-kii.
Agaasimaha DIS ayaa sheegay in Faarax loo gacan galin doono dowladda Soomaaliya, waxaana haatan lagu hayaa dalkii uu sida sharciga eheyd uga soo tagay ee Costa Rica.
Dowladda Costa Rica ma sheegin magaca hoggaamiyaha saree e SHabaabka ah ee dhalay ninkan, warbaahinta dalkaasi ayaase qoreysa inuu dhalay Fu’aad Shangole oo hoggaamiyayaasha Shabaab kamid ah.