Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan albaabadu u xiran yihiin maanta la yeeshay Isimadda dhaqanka SSC oo uu hoggaaminayo Garaad Jaamac Garaad Cali.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog ahaa Madaxweyne kuxigeenka Puntland, Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo labadiisa kuxigeen.
Isimadda SSC iyo madaxda sare ee Puntland ayaa kulankooda uga wadahadlay xaalada gobalka Sool, iyo dagaalka dadka deegaanku kula jiraan ciidamada maamulka Somaliland ee ku sugan Goojacade oo dhaca duleedka Laascaanood.
Ilo ka agdhow kulanka ayaa inoo sheegay in kulan si gaar ah diirada loogu saaray siddii Puntland uga taageeri laheyd dadka reer SSC difaaca deegaankooda iyo in ay iska saaraan ciidamada Taliska Muuse Biixi.
Horey, Madaxweyne Siciid Deni ayaa uga sheegay fagaare in Xukuumadda Puntland aysan qeyb ka aheyn dagaalka Laascaanood, balse ay taageersan yihiin halganka dadkaas iyo in aysan gacmaha ka laaban doonin haddii taageero ay waydiistaan hoggaanka dadka SSC-KHAATUMO.
Laascaanood ayaa muddo afar bilood ah waxaa ka soconaya dagaal u dhexeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo ciidanka deegaanka ee SSC, dagaalkan ayaa galaaftay nolasha in kabadan 500 qof oo ay kamid yihiin shacab ku dhintay duqeymaha aan loo meeldayin ee Somaliland ku garaacayso guryaha shacabka, isbitaalada iyo masaajidada magaalada.