Kooxda Napoli ayaa ku guuleysatay horyaalka talyaaniga xilli ciyaareedka 2022/2023, ka dib markii ay bar-baro la gashay kooxda Udinese kulan ka tirsanaa horyaalka Talyaaniga.
Napoli ayaa ku guulaystay horyaalka Talyaaniga xilli ciyaareedkan kadib markii ay bar-baro 1/1 ah la gashay kooxda Udinese oo ay marti u ahayd.
Goolka ciyaarta oo uu marti galiyay garoonka Friuli Stadium ayaa waxaa daqiiqadii 13-aad u dhaliyay xiddiga reer Austria Sandy Lovrich kaas oo hogaanka u dhiibay kooxda Udinese.
Goolka ayaa yimid kadib markii uu Lovric darbo xoogan oo qurux badan ka dhaliyay gudaha xerada ganaaxa isagoo si cajiib ah u dhaliyay.
Xiddiga reer Nigeria ee Victor Osimhen ayaa ku guulaystay uu goolka bar-baraha u dhaliyo kooxdiisa kana dhigo 1/1 daqiiqadii 52-aad ee ciyaarta.
Kooxda Napoli ayaa heshay dhibicdii 80-aad ee horyaalka talyaaniga taas oo la macno ah in ay 16 dhibcood ka horayso kooxda lazio ee ugu soo dhaw.
Taas ayaa keentay in ay Napoli si Rasmi ah ugu guulaysato horyaalka Talyaaniga inkasta oo ay 5 kulan ka dhimantahay dhimantahay dhamaadka xilli ciyaareedka.
Kooxda Napoli ayaa markii 3-aad ee taariikhdooda ku guulaysatay horyaalka Talyaaniga kadib markii ay horay u qaaday xilli ciyaareedkii 1986/1987 iyo 1989/1990.