Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay Qasriga Madaxtooyada kulan Kula qaatay saraakiisha ciidanka kala duwan ee Puntland, sida Daraawiishta , Booliska , Asluubta iyo Nabad sugida.
Kulanka dhax maray madaxweyne Deni iyo taliyaasha ciidamada ayaa ku saabsanaa dar-dargelinta amniga guud ee deegaannada Puntland, iyo sidii looga hortagi lahaa cid kasta oo isku dayda in xaalad ammaan darro in ay abuurto
Madaxweynaha Puntland ayaana inta uu kulanka socda waxa uu warbixinno kala duwan ka dhegaystay saraakiisha ciidanka maamulka Puntland, kuwaa oo madaxweynaha warbixino ka siiyay sugida amniga iyo daruufaha ciidamada ka dhax jira.
Madaxweyne Deni oo dhawwaan dib ugu soo laabtay Garawe oo maalmo badan ka maqnaa ayaa wada kulamo uu la qaadanayo madaxda maamulkaasi iyo saraakiisha ciidamada ,kuwaa oo kala hadlay xaalada maamulka iyo doorashooyinka la filayo in ay qabsoomaan.