القائمة الرئيسية

الصفحات

Urur siyaasadeedka IFIYE oo ka jawaabay warqad warbaahinta Guddiga TPEC lagu shaaciyey

 


Urur siyaasadeedka IFIYE oo kid ah ururada ka qaybgalaya Doorashooyinka golayaasha deegaanka Puntland ee doorashada Qof iyo cod ayaa Bayaan ay Soo saareen waxay  kaga jawaabeen warqad warbaahinta Guddiga TPEC lagu shaaciyey, sumadeeduna ahayd GDP/23/2023, soona baxday maanta 04/05/2023.

Urur siyaasadeedka IFIYE wuxu caddeeyay jawaabtiisa in warqadaas meel khaldan lala maray, Guddiga TPEC iyo urur siyaasadeedadu ay leeyihin nidaam ay ku xiriraan, laguna dhex soxo wixii khaldama.

Urur siyaasadeedka IFIYE wuxu ka digay in muwaadiniin loolan tartan ka dhexeeyo dhinac keliya la maqlo, lana rido xukun degdegga.

Urur siyaasadeedka IFIYE wuxuu Ku  cadeeyay bayaankiisa inaan Guddiga TPEC joojin karin musharaxnimada muwaadin iyada oo aan hay'adaha ku shuqul lihi caddayn fal denbiyeedka muwaadinku ku waayi karo xaqaas dastuuriga ah asagoo ururku ugu baaqay Guddiga TPEC iney kanoqdaan xukunkaas ay la degdegeen, wax ku saxaan habka saxda ah, dhexdhexaadna ka ahaadaan arimaha doorashooyinka.


Halkan ka daalaco Bayaanka