القائمة الرئيسية

الصفحات

(Sawirro) Wararkii u dambeeyey dagaal iyo duqeymo culus oo ka dhacay Laascaanod

 


Ugu yaraan 6 ruux ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen tiro kalena ay ku dhaawacmeen dagaal iyo duqeymo culus oo maanta ka dhacay magaalada Laascaanood.

Dagaalka ayaa ka dhacay aagaga bariga iyo waqooyiga kaga aaddan magaalada, kaasoo bilawday waaberigii, ciidamada duulaanka ah ee maamulka soomaalidiidka ee Somaliland iyo xoogaga xaq udirirka degaanka ee SSC oo mudooyinkanba goobahaas isku hor fadhiyey ayuuna dagaalkan u dhexeeyey.

“Albaabka guriga ayuu ka baxay wax yar ka dib gariir ayaa dhacay banaanka ayaan u soo baxay waxaana arkay meydka walaalkay oo waddada yaalla,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka ku nool Laascaanood.

Goobaha saaka dhibaatada soo gaartay ayaa waxaa ka mid ah dugsi lagu barto farsamada gacanta, xarun ay leedahay shirkadda isgaarsiinta Telesom, isbitaalka guud, meel kayd u ah shirkad gaaska iibisa iyo guryo aad u badan, waxaana ku habsaday madaafiic culus oo ciidamada Somaliland ku duqeeyeen magaalada.

Dagaalka oo soo gaaray illaa caawa maqribadii ayaa haatan joogsaday markii uu gabalku dumay, xaalada magaalada ayaana haatan degan inkastoo mararka qaarkood la maqlayo tacshiirado goos goos ah.

Guddiga maamulka SSC ayaa ku eedeeyey in ciidamada Somaliland weerar ku soo qaadeen magaalada iyaguna ay iska difaaceen oo ku celiyeen halkii ay ka soo duuleen, welima jiro hadal ka soo baxay Somaliland oo la xiriira dagaalka maanta.