القائمة الرئيسية

الصفحات

Maqaal : Maqnaanshaha Madaxda Wasaarada Kalluumaysiga Puntland ee Xilliga Bad-furanka

 


kalluumeysiga ayaa ka mid ah ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan guud ahaa Soomaaliya gaar ahaana  Puntland , oo ah maamul-goboleed ka tirsan Soomaaliya waxayna Puntland  leedahay xeeb dhererkeedu dhan yahay 1,880 kiiloomitir (1,170 mayl).


Wasaaradda kalluumaysiga iyo kheyraadka badda  Puntland ayaa ah wasaaradda u xil-saaran maaraynta iyo habaynta kheyraadka kalluunka dalka waxaana kamid ah hawlaha ay dawlada iyo shacabka Puntland  u igmadeen oo ay tahay inay qabato


1. Maaraynta Kalluumaysiga iyo ilaalinta badda: Wasaaraddu waxay u xil-saaran tahay maaraynta iyo habaynta kheyraadka baddaheena Waxaana laga rabaa dejinta siyaasado, sharciyo, iyo xeerar lagu ilaaliyo khayraadka badaheena iyo  deegaanka, loogana hortagayo kalluumeysiga sharci darada ah , jariifka iyo kalluumaysiga xad dhaafka ah ( Xaalufka).


2. Ruqsad-siinta iyo oggolaanshaha: Wasaaraddu waxay bixisa ruqsadaha doonyaha iyo maraakiibta kalluumaysiga, iyo goobaha lagu farsameeyo kalluunka. Tani waxay gacan ka geysataa ilaalinta, xakamaynta iyo la socodka hawlaha kalluumaysiga waxayna xaqiijisaa u hoggaansanaanta xeerarka, sida xilliyada kalluumaysiga, xadka kalluun qabashada, iyo  qalabka mamnuuca ah ee aan la ogolayn 


3.Taageerida iyo kawarqabka xaaladda kalluumaysatada iyo bulshada xeebaha ku nool: Waajibaadka Wasaaradda kalluumaysiga waxaa ka mid ah taageerada iyo ka warqabka  kalluumaysatada iyo shaqaalaha ka shaqeeya kalluumeysiga xaaladooda iyo badqabkooda  , iyo sidoo kale horumarinta deegaannada xeebaha ah ee ku tiirsan kalluumeysiga iyadoo laga rabo wasaaradda  bixinta taageero farsamo, talo, wacyigalin iwm


4. 6. Horumarinta Kaabayaasha Kalluumeysiga : Wasaaraddu waa inay ka shaqaysaa horumarinta kaabayaasha la xiriira kalluumeysiga, sida dekedaha, meelaha laga soo dego ee Marsooyinka ah  , suuqyada kalluunka, iyo goobaha lagu farsameeyo. Waxa kale oo laga rabaa wasaaraddu inay taageerto iskaashatooyinka kalluumaysatada kana caawiso, barnaamijyada tababarada, qalabka Iwm 


4. Cilmi-baaris iyo xog-ururin: Wasaaraddu waa inay samaysaa ama isku dubaridaa cilmi-baadhis cilmiyaysan iyo dedaallo xog-ururin ah si loo ururiyo macluumaadka kaydka kalluunka, tirada iyo xaalada kalluumysatada, iyo saamaynta hawlaha kalluumaysiga ee deegaanka. Xogtan ayaa lama huraan u ah qaadashada go'aamo xaqiiqo ku dhisan oo ku saabsan maaraynta iyo ilaalinta khayraadka badaheena.


7. Kormeer iyo ka shaqayn xeebaha: Wasaaraddu waxaa laga rabaa inay ka hawlgasho xeebaha  sidoo kale madaxdeedu waa inay  sameeyaan kormeer, lana socodaan hawlaha kalluumaysiga, qaadaan tallaabo kasta oo ka dhan ah kalluumaysiga sharci darrada ah, xaalufka, ama ku xad-gudubka xeerarka iyo siyaasadda kalluumaysiga, dhinaca Kalena la socdaan xaalada kaluumaysatada badqabkooda raadiyaan fikradahooda, xalliyaan tabashooyinkooda, iska kaashadaan iyaga iyo bulshada xeebaha arrimaha la xiriira maaraynta iyo ilaalinta nidaamka deegaanka badda iyo horumarinta kalluumeysiga..


Hadda waxaa la gaaray bilawga xilliga kalluumaysiga ama waxa loo yaqaan  bad-furanka, iyadoo gadiidkii badda ay qaybi gashay qaybtii kalana isu diyaarinayso , doonyihii ay goosanaayaan ruqsadihii iyo shatiyadii kalluuumaysiga , muhiimna tahay in la nidaamiyo , lala socdo  , ayna tahay in Wasaaradda Kalluumeysigu la wareegto  mas'uuliyadeeda waxaa ayaan darro ah in shaqadii wasaarada kalluumeysiga  xilligii shaqada ugu cuslayd loo xanibnaado maqnaashaha wasiirka iyo ku xigeenkiisa 


Maqnaanshaha madaxda wasaarada kalluumeysiga bilowga xilliga kalluumaysiga ayaa ah caqabad dhab ah oo Kalluumaysatada ku xirran shaqada kalluumaysiga iyadoo ah waqti go'aamo la  qaato waxaana Dib u dhac ku imaanayaa barnaamijyada iyo siyaasadaha kalluumeysiga taasi oo sii xumeyn karta dhibaatada kalluumeysata ay la daaladhcayaan ee ay ugu horayso ka warhayn la,aan iyo xaaluf ba'an oo lagu hayo xeebahooda


Si looga gudbo caqabadahan, waa in hay'adaha dawlada ee sharci dajinta  iyo fulintu aysan arinta kor ka daawan oo ay go’aan degdeg ah qaataan  maadama uu kaluumayaigu yahay il dhaqaale oo muhiimad intaas leeg ugu fadhiga dawlada iyo shacabka