Gudoomiyaha Gobolka RaasCasayr Mudane Cumar Cismaan Siciid iyo Masuuliyiin kale oo ay ka mid yihiin Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee gobolka Cabdirahmaan Cali Jaamac huruuse iyo Isuduwaha Wasaaradda Arimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland ee Gobolka Raas Casayr Siciid Cawil alhidaaya oo Kormeer shaqo ku maraayay degmooyinka gobolka ayaa maanta kulan la qaatay Masuuliyiinta iyo wax garadka Degmadda Gumbax
Kulankaan oo ka qabsoomay Xarunta Dawladda hoose ee degmadda ayaa waxaa goobjooog ka ahaa Gudoomiyaha Degmadda Maxamed Saalax Cumar, Taliyaha Saldhiga iyo Ku-xigeenkiisa, Masuuliyiinta Wasaaradaha Kaluumeysiga & Maaliyadda Dawladda Puntland ee Gobolka Raascasayr
Maamulka degmadda ayaa ugu horreyntii gudoomiyaha iyo Masuuliyiinta kale uga war bixiyay Amniga Guud ee degmadda, horumarka,Wax soo saarka badda, Xaaladaha Roobabka iyo wixii u qabsoomay maamulku intuu degmadda joogay iyagoona sidoo kale sheegay caqabadaha ka jira degmadda ee u baahan in wax laga qabto
Gudoomiyaha Gobolka ayaa isaguna dhankiisa uga mahadceliyay Maamulka Degmadda shaqada adag ee ay u hayaan bulshada loona baahan yahay in maamulka iyo bulshaduba ay ka wada shaqeeyaan sidii loo hormarin lahaa deegaanka
Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Gobolka ayaa ku adkeeyay maamulka iyo waxgaradka in mar walba la ilaashado Nabadda oo ah waxa ugu weyn ee gobolka RRaascasayr heysto shacab iyo dawladna leysku duubnaado
Gudoomiyaha gobolka ayaa sidoo kale sheegay in la dhameystiro shaqaqooyinka beelaha dhexdooda kuwaaso inta badan soo noq noqda loona baahan yahay in bulshada gobolka ay nabad ku wada nooladaan.